Puntland oo mashaariic balaaran ka hirgalisay Degmada Dhahar (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa xariga ka jaray dugsi hoose/dhexe oo laga hirgaliyay Degmada Dhahar ee xarunta Gobalka Haylaan.

Dhismaha Iskuulkan ayaa waxaa Dowladda Puntland ka caawisay Hay’adda SAVE THE CHILDREN, waxaana xarig ka jarka Iskuulka goobjoog ahaa Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Howlaha Guud ee Puntland, Masuuliyiinta ha’yadda Save the children, Maamulka Gobalka Haylaan, Kan Degmada Dhahar, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Dhahar.

Wasiirka Waxbarashada Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa mahad-celin u jeediyay Bulshada Dhahar, isagoonka kula dardaarmay ilaalinta Iskuulka oo loogu talagalay inay wax ku bartaan carruurka kunool Degmada, lana shaqeeyaan Dowladda.

Dhanka kale, Degmada Dhahar ayaa laga hirgaliyay Mashaariic balaaran, oo kamid ahaa balanqaadyadii Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo booqday Degmadaas  31-Okt-2019.