Video:-Imaaraadka cunaqabatayntii dhaqaale ka qaaday Israel

Warbaahinta dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in maanta uu madaxweynaha dalkaas ahna amiirka magaalada Abu Dhabi, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan uu qaaday xayiraddii dhanka dhaqaalaha ee uu dalkaasi ku hayay Israel.

Tallaabadaan ayaa waddada u xaareysa heshiisyo dhanka ganacsiga ah oo la filayo in ay wada gaaraan Israel iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo qeyb ka ah caadiyeynta xiriir diblamaasiyadeed oo ay dhowaan labada dhinac sheegeen in ay gaari doonaan.

Israel iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa 13 kii bishaan sheegay in ay yeelan doonaan xiriir diblamaasiyadeed, ka dib markii uu labada dhinac dhexdhexaadiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Go’aanka ka soo baxay Imaaraadka ayaa ku soo beegmay xilli ay diyaarad sidata calanka Israel ee El Al Israel ay isu diyaarineyso duulimaadyo toos ah oo ay isaga kala duuli doonto magaalooyinka Tel Aviv iyo Abu Dhabi,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka