Halkee ka dhacayaa Kulanka MD Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ?

Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam, ayaa Isniinta berri ah ku wajahan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wafuud horu-dhac u ah Labada Madaxweyne oo ay kamid yihiin Ilaaladooda khaaska ah ayaa 48 saac ee lasoo dhaafay gaaray Muqdisho, kuwaas oo la wareegay amniga goobaha ay degayaan Madaxweynayaashu.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa kulan kula yeelanaya magaalada Muqdisho Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wararka ayaana sheegaya in kulanka oo ay garwadeen ka yihiin Safiirada Beesha Caalamka uu ka dhici doono Xerada Xalane ee saldhiga u ah Danjirayaasha Reer Galbeed ee ku sugan Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kulanka uu xigi doono Shir ay yeelanayaan Madaxda DFS & Dowlad Gobaleedyada, kaas oo lagu ansixin doono nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa 2020/2021.