Waddooyinka Muqdisho oo saaka xiran iyo Madaxweyne Deni

Qaar kamid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho, ayaa maanta xiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadooyinka.

Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarrama, sidoo kale waxa ay xireen, isgoysyadda ugu muhiimsan Muqdisho, Ciidammada ayaana waddooyinkan xiran ku jaray Gawaarida Dagaalka, Dhagaxaan iyo Bir.

Gaadiidka Bulshada iyo kuwa Dowladda ee Isticmaala Wadooyinka xiran ayaa saaka lagu amray inay kala wareegaan, waxaana wadooyinka Muqdisho lagu arkaya Shacab fara badan oo lugeynaya.

Wali si rasmi ah looma ogga sababta ka dambeysa in maanta la xiro wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho, balse wararka ayaa sheegaya in loo xiray Imaanshaha Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland dartood.