Joe Biden oo dalbaday Maxkamdeynta Askarta disha Madowga

Musharaxa xisbiga Dimoqoraadiga ugu taagan doorashada Joe Biden, soo aadan ayaa dalbaday in ay cadaalada wajahaan booliskii dhawaan toogashada u gaystay labo nin oo madow ah.

Mr Biden si rasmi ah u masheegin dambiga ay mudan yihiin in lagu qaado balse arintan ayaa abuurtay caro dadwayne.

Madaxwaynaha Mareykanka ee waqti xaadirkan ayaa si wayn loogu eedeeyaa in uu dhiiragalinayo cunsuriyadda xilli dibad baxyo waa wayn oo looga soo horjeedo ay kasoconayaan qaybo kamid ah Mareykanka.

Dibadbaxyaasha badankood ayaana dalbanaya in doorashada soo aadan loo codeeyo musharaxa xisbiga Dimoqoraadiga si uusan usoo laaban Donald Trump.