Maxamuud Sayid Aadan oo hambalyo u diray Arday Jubbaland

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland ahna ku simaha madaxwaynaha mudane Maxamuud Sayyid Aadan ayaa dhammaan ardayda Jubbaland ugu hambalyeeyay natiijada wanaagsan ee ay ardaydii gashay imtixaanka dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedkii 2019/2020 soo hoyiyeen.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay ardayda ka soo jeedda deegaannada Jubbaland ee kaalimaha hore ka galay imtixaanaadkan ay wasaaradda waxbarashada XFS maanta shaacisay natiijadiisa.

Jubbaland ayaa kaalinta koobaad u gashay dhammaan dawlad goboleedyada dalka ee lagu sameeyay imtixaankan iyada oo ay isku celceliska dhibcaha ardayda Jubbaland ee imtixaankan samaysay ay noqotay 77.00%.