Goormee furmayaa Shirka Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada ee Muqdisho ? (VIDEO)

Qaban-qaabadii u dambeysay ee furitaanka Shirka Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa ka socota Magaalada Muqdisho, Iyadoona Magaaladaas ay ku wajahan yihiin Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Shirka ayuu horey u doonayay Madaxweyne Farmaajo inay wada yeeshaan isaga iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, balse waxaa taas ganafka ku dhuftay Deni iyo Axmed Axmed Madoobe oo dalbaday inuu noqdo Shir loo dhan yahay oo lagu go’aaminayo nooca Doorasho ee Dalka ka dhacaysa.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa dalbaday in Shirka lagu soo daro Guddoonka labada Aqal ee BJFS iyo in la helo doorkii Ra’iisul Wasaaraha Dalka maadama Soomaalidu ay wax ku qeybsato Hanaanka qabiilka ee 4.5, Sidoo kale Labada Madaxweyne ayaa ka codsaday Farmaajo in door la siiyo Xisbiyadda mucaaradka ah, sida uu Aqalka Sare ka hor-sheegay Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Qodobada ay ku xireen furitaanka Shirka Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa dhamaan ay taageertay Beesha Caalamka, taas oo khasab noqotay inuu fuliyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.