DEG-DEG: Qarax ka dhacay Afaafka hore ee Villa Soomaaliya

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Qarax xooggan uu goor-dhaweyd ka dhacay agagaarka Taalada Xaawa Taako, halkaas oo ay ku taallo bar Ciidan oo laga ilaaliyo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu halkaasi isku qarxiyay, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada ayaa la geeyay halka uu qaraxa ka dhacay, iyada ay socdaan gurmad loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.