QoorQoor, Laftagareen & Waare oo maanta ku shiraya Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, oo uu ka furmayo maanta Shir Saddex geesood ah oo u dhexeeya Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Shirka oo soconaya saacado kooban ayaa laga soo saari doonaa War-murtiyeed ku aadan Shirka loo balansan yahay inuu ku dhexmaro Muqdisho Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, laguna sheegayo inay tagayaan Muqdisho Saddexda Madaxweyne, Iyagoona dalban doona in lagu sii dul shaqeeyo Aragtidii kasoo baxday Shirkii fashilmay ee Dhuusamareeb (3).

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa Talaadadii gaaray Baydhabo oo xalay loogu sameeyay Casho-sharaf.

Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo qoraal kooban ah soo saartay Talaadadii ayaa shaacisay in khamiista berri ah uu furmayo Shirka Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada, kaas oo lagu heshiis looga gaarayo Doorashooyinka Dalka ee 2020/2021.

Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho oo ay ka wadaan kulamo looga hadlayo marxalada Dalka, iyagoona ka dambeeyay qabsoomida Shirka wadajirka ah ee DFS iyo Dowlad Gobaleedyada ku yeelanayaan Muqdisho.