Somaliland oo Xafiis Duplamaasiyadeed ka furatay Taiwan (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan iyo Wakiilka Somaliland ee Taiwan Amb Maxamed Xaaji Cumar, ayaa ka qeyb-galay munaasabadda Soomaaliland ay Xafiis uga furaneysay Ismaamulka Taiwan oo aaminsan in ay ka go’een dalweynaha Shiinaha.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale munaasabadda khadka Internetka kaga qayb-galay , isaga oo Taiwan uga mahad celiyay xiriirka Cuusb oo ay wada yeesheen.

Taiwan ayaa horey xafiis diplumaasiyadeed uga furatay Somaliland,waxaana xiriirka labada maamul kasoo horjestay Waddamada Shiinaha iyo Soomaaliya, iyada oo labada maamul dheg alaq u siin hadallada kasoo baxay Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha.