Shir looga hadlayo Mashaariicda Bangiga Adduunka ee Puntland oo lagu qabtay Garoowe (Sawirro)

Shirka billaha ee ku aadan hubinta xogta mashaariicda Bangiga Aduunka uu ka wado Deegaanada Dawladda Puntland ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay garoowe.

Kulan kan waxaa shir Gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi waxana ka soo qayb galay Gudoomiyaha Hay’adda Hanti-dhawrka Puntland, Agasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, ku-xigeenka Agaasimaha guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda.

Madaxa xiriiriyaha mashruuca Bangiga Aduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Cabdulqaadir xaashi ayaa halkaasi ku soo ban dhigay xog ku aadan mashaariicda socda iyo halka ay maryaa.

Kulan ayaan mudo laqaban kadib markii uu dalka saamayn wayn ku yeeshay xanuunka COVID-19, uuna yaraaday isu imaatinku.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa bogaadiyay habka ay usocdaan mashaariicda Bangiga aduunku ka wado Puntland.