Culumo lagu laayay Raage Ceelle

Kooxo hubeysan ayaa degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay maanta lix qof oo culumada deegaanka mid aheyd, kuwaas oo goob quraan saar ah ku sugnaa.

Arrintaasi ayaa la sheegey inay salka ku heyso arrimo aano qabiil, waxayna argagax ku abuurtey dadka deegaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdiraxman Kheyre, oo BBC la hadlay,ayaa xaqiijiyay dilka 6-da qof. “Saaka aroortii hore waxay warbixin inagu soo gaartay in aagga Raage Ceelle lagu dilay dad shacab ah,” ayuu yiri.