Madaxweyne Deni oo kulan iskugu yeeray Xildhibaanada labada Aqal

Madaxweyne Deni beri waxuu kulan qado ah la qaadanayaa Xildhibaanada Golaha shacabka iyo Seneterada Aqalka-sare ee Puntland ku matala Baarlamaanka Fadaraalka.

Kulankaas waxa ugu weyn ee Madaxweynuhu kala hadlayo Xildhibaanada waxay tahay ansixinta Xukuumada cusub iyo heshiiska doorashada.

Heshiiska la gaaray waxaa ka mid ahaa oo aan la qorin kaliya ku koobnayd isfahan Odaytinimo in Madaxweyne walba uu la hadlo Xildhibaanada Deegaankiisa matala.

Sida la faliyo majiri doonto diidmo Baarlamaan oo ka hor imaan doonta heshiiska iyo Xukuumada cusub.

Jibril Qoobey.