Puntland iyo Maraykanka oo heshiis Milatari kala saxiixday

Guulaha Puntland ka gaartay socdaalkii Muqdisho kaliya kuma eka tii doorashada ee waxaa jira guulo kale oo muhiim ah.

Maraykanka iyo Puntland waxay kala saxiixdeen heshiis mudo 10-sano ah oo Ciidanka PSF Maraykanku ku taageerayo.

Maraykanku waxuu ka taageeri doonaa Tababarada,Qalabka iyo hawlgalada Ciidanka PSF.

PSF waxay qayb ka ahaanayaan Ciidamada difaaca Puntland oo waxaa toos u xukumaya Taliska guud.

Heshiiskan dib loo cusboonaysiiyay waxuu yimid ka gadaal markii Puntland iska diiday in Ciidanka PSF hoos tagaan Ciidanka kale Maraykanku gacanta ku hayo ee Danab.

Jibril Qoobey.