Xasan Shire oo lagu amaanay dib uhabaynta Ciidanka

Xasan intaan filaynay waa ka macno waynaaday kana khatar yaraaday.

Dad badan oo aan ka mid ahay waxay u arkayeen shaqsi khatartiisa leh oo qayb ka ah koox aan la jeclayn sumcadeeduna aysan fiicnayn.

Balse taa badalkeeda Xasan waxuu muujiyay hogaamin ka badalan sidii laga filayay.

Xasan waxuu magac iyo sharaf ku helay sidii uu umaareeyay dib uhabaynta Ciidanka oo uu Gudoomiye ka ahaa Gudiga loo xil saaray.

Sidoo kale Gobolka Mudug intii uu ku sugnaa arimo la taaban karo,ayuu wax ka qabtay oo laga xusi karo…

B.Waxkaqabashada Ciidanka Dowlada hoose.

T.Dhaqaajinta Maamulka Gobolka

J.Dhaqaajinta Hay’ada sirdoonka qaybteeda Mudug.

X.La xaajaysiga Odoyaasha dhaqanka ee Gobolka.

Isku soo duuboo qof walba oo xog ogaal u ah arimaha Puntland Xasan waa ku xeerinayaa shaqada hufan ee uu muujiyay.

Jibril Qoobey.