Faallo:-Wariyayaasha Puntland iyo Wadaniyada

Wariyaasha reer Puntland baahida ay qabaan ee ugu weyn waa in la baro ama la fahansiiyo in ay Dhulkaan iyo Dadkaan iyagu leeyihiin oo Puntland tahay waxa ugu horeeya ee ay ilaaliyaan intaysan meel kale ugudbin.

Nin Gurigii saakay uu kasoo toosay dayacan yahay ama aan waxba ku siyaadin maka fakari karaa Guryo Dadkale leeyihiin???

Wadaniyadu Qoyskay ka bilaabataa waxayna ku dhamaataa in Qof walba oo Koomkan ku nool seexdo hurdo degan.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ee maanta xili uu ushaqaynayay SomaliCable Tv oo uu kasoo waramayay Dagaal ka dhacay Tukaraq,waxuu yiri…

“Ciidamada Sl iyo Pl,ayaa halkaas ku dagaalamay,waxaana wararku sheegayaan in kuwa Pl lasoo riixay”

Halka Wariyihii Hargaysa ee isla Tv-gaas ee kasoo waramayay dagaalka uu yiri..

“Ciidanka Qaranka,ayaa saakay ku ruqaansaday jiida hore ee dagaalka gacantana ku dhigay Deegaankii udanbeeyay ee Xuduuda,iyagoo guulo waa weyn ka gaaray dagaalka dibna uriixay kuwa maamulka Pl”

Labadaa Wariye waxay kala yihiin…

Nin qadiyad ku dirir ah oo isku arka Mulkiile Dalkiisa u adeegaya!!

Nin isku arka shaqaale Shirkad ushaqaynaya!!

Gurigaaga aamin si aad Guryaha kale wax ugu siyaadisid!!

Jibril Qoobey.