Halkee marayaa hardankii Itoobiya Ee TPLF iyo PP??

Ato Asmalash Waldaselase oo kamid ah Guddiga fulinta xisbigaTPLF ayaa waraysi siiyay Tiifiga Tigreega,wuxuuna ka hadlay qoddobadan:-

○ Wuxuu sheegay in Deeganka Tigreegu 25-ka Meskerem wixii ka dambeeya aysan qaadani doonin awaamirta iyo sharciyada kasoo baxa Dawladda Federalka.

○ Wuxuu sheegay in Raysal wasaaruhu uusan amri karin ciidamada qaranka.

○ Gollaha wakiilada shacabka iyo Gollaha Federashinku 25-ka Meskerem wixii ka dambeeya innay sharciyadooda waayi doona ayuu sheegay,wuxuuna caddeeyay innaysan matalaad yeelan doonin.

○Doorashada dalka laga qabbanayo ayuu mid sharci darro ah oo aan la aqoonsan karin ku tilmaamay, maaddama Xisbiga Barwaaqo doorasho sharciga baalmarsan uu qabbanayo.

○ Gollaha wakiilada shacabka Tigreegu kama qayb gali doonaan Gollaha wakiilada Federalka wixii ka dambeeya 25-ka Meskerem maadama muddo xileedkii ka dhamaanayo oo ay sharci darro yihiin ayuu yidhi.

○Wuxuu sheegay in 25-ka Mesekerem wixii ka dambeeya uusan jiri dooni raysal wasaare sharciya,wuxuuna ku sheegay in saxeexyadiisu ay ay sharci darro noqon doonaan.

○Haddalkii Taliye kuxigenka ciddanka Itoobiya kasoo yeedhay ayuu ka jawaabay,wuxuuna taliye kuxigenka ku duray inuu galay shaqo aan tiisii ahayn. “Wuxuu ka hadlay shaqadii xisbiga Barwaaqo ayuu yidhi”.

○ Ugu dambayn wuxuu ciiddamada u shegay innay baaqa yeedhaya aqbalaan oo ay dalka badbaadiyaan.

Fiiro-Gaara: 25-ka Meskerem waxaa ka dhiman lix cisho,waana xiliga mudda xileedka shanta sanno ku eg-yahay. Wixii kasoo baxa TPLF iyo PP waan u joognaa.


VOSS TV