Majirtaa in Lacag cusub Puntland soo daabacatay

Majirto lacag cusub oo Puntland soo daabacatay laguna sii daayay Suuqyada,sida la xaqiijiyay.

Taa badalkeeda Wasaarada Maaliyada Puntland waxay gacanta ku haysaa 30-Bilyan oo Sh.S hore ah.

Balse waxaa jira dhawr arimood oo muhiim ah keenayna Sicir bararka ku dhacay Sarifka Dolar-ka.

Puntland 1-$ waxaa lagu sarifaa 42000 Sh S. halka Koonfurta Gaalkacyo lagu sarifo 1-$ 25000 Sh.S.

Arimaha keenay sicir bararka Dolar-ka ee Puntland,waxaa ugu waa weyn……

  1. PL oo noqotay meesha kaliya ee weli lagu qaado canshuurta lacagta Shilin Soomaaliga.
  2. Lacagtii Soomaaliya taallay oo PL loo soo qixiyay, maadama ay tahay meeshay si fiican ay uga socoto laguna badasho Dolar.
  3. Lacagtii Soomaaliga oo baaba’aysa cid baddashana la waayay .
  4. Shirkadaha isticmaala Mobile Money- oo qayb ka ah sicir bararka.

5.Qaadka Itoobiya ka yimaada oo lagu gato Sh S kadibna Dolar lagu badalo qiime kasta oo lagu helo.

Dowlada Puntland hada Gudi ayay usaartay khuburo ah oo kasoi baaraan dega talaabada la qaadi karo si loo xakameeyo xaalada.

Jibril Qoobey.