Maraykanka:-Gudoomiye Gobol oo laysku dayay in la afduubto

Hay’adda danbi baarista Mareykanka ee FBI,ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in ay ka hortagtay qorshe afduub loo geysan lahaa guddoomiyaha gobolka Michigan.

FBI-da,ayaa xiray lix maleeshiyo ka soo horjeedda dowladda oo sida muuqata ka carooday tallaabooyinka xannibaadaha lagula tacaalayo coronavirus ee ay soo rogtay siyaasiyaddan ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

Shirqoolkan lagaga afduubi lahaa Gudoomiyaha Michigan Gretchen Whitmer gurigeeda fasaxa, ka dibna loo kexeeyn lahaa goob aan la ogeyn si loogu maxkamadeeyo “khiyaano qaran” ayaa hoosta ka xariiqaysa halista sii kordhaysa ee kooxaha garabka midig ka hor doorashada madaxtinimada ee 3-da November, sida ay khubaradu sheegayaan.

Arrintan oo si weyn,ayaa waxaa u hadal haya warbaahinta Mareykanka iyo tan dunidaba.