GUDDIGA SOO DHOWEYNTA MADAXWEYNE

GUDDIGA SOO DHOWEYNTA MADAXWEYNAHA DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe : 15 October 2020: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo maanta Shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada ayaa guddi heer wasiiro ah u magacaabay soo dhoweynta Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo door muhim ah ka qaatay in dalku ka gudbo marxladda kala guurka ah.

Guddiga ayaa ka kooban 7 xubnood oo kala ah:

  1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad
    Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha
    (Gudoomiye)
  2. Cabdullaahi Cali Xirsi
    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
    (Gudoomiye ku-xigeen)
  3. Aamina Cusmaan Xaaji Jaamac
    Wasiirka Waaradda Haweenka (Xubin)
  4. Ilyaas Cismaan Lugatoor
    Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada (Xubin)
  5. Cumar Xasan Fiqi
    Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda (Xubin)
  6. Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan
    Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga (Xubin)
  7. Maxamed Cabdirashiid Cali
    Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
    (Xubin)

-DHAMMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND