WAREYSI: Xasan Sheekh oo ka digay in la fashiliyo Heshiiskii doorasho ee la gaaray

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay u diyaar garoobeen doorashooyinka dadban ee dalka laga qabanayo, taas oo ay ku heshiiyeen hoggaamiyeyaasha Siyaasadeed ee dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siinayay SAAB TV, ayaa sheegay in aysan jirin baqdin ay ka qabaan ka qeyb-galka doorashaooyinka, isaga oo ka jawaabayay Warar soo baxayay oo sheegay in markii lagu dhawaaqay  in doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso ay Siyaasiyiinta mucaaradka walwal ka muujiyeen ka qeyb-galka doorashada una diyaarsaneyn.

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray in doorashada lagu heshiiyay mid ka weyn ay dhankooda u diyaar garoobeen, isaga oo ka digay in la fashiliyo qabsoomida doorashada ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada.