VIDEO: Puntland oo xukun dil ah ku fulisay Nin hooyadiis dilay.

Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Faarax Cabdi Caagane oo 3 bil ka hor Hooyadii Xaawo Cabdulle ku dilay Deegaanka Jalam ee Gobolka Nugaal.

Fulin xukunka dilka Marxuumka ayaa ka dhacday duleedka magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana fagaaraha lagu tooganayay goobjoog ahaa Xeer ilaaliyaha ku-xigeenka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Xareed, Garsoorayaal kamid ah Maxkamadaha Puntland iyo Ehelada Marxuumka.