Qaban-qaabada soo dhaweynta Deni oo caawa ka socota Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo muddo 47 berri ah ka maqnaa deegaanada Puntland ayaa la filayaa inuu maalinimada berrito ah soo gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Deni ayaa caawa ka socota Garoowe, Iyadoona khamiistii uu Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland uu magacaabay Guddi here Wasiiro ah kuwaas oo qaban-qaabinaya soo dhaweyntiisa.

Dr. Siciid C/llaahi Deni oo 1-September-2020 ka dhoofay Caasimadda Puntland ayaa safaro ku kala bixiyay Muqdisho, Nairobi iyo Dubai, isagoona soo laabashadiisa ay kusoo aadayso xilli Puntland ay guulo Siyaasadeed oo Arrimaha Federaalka ah ay gaartay.