NISA oo sii deysay Xaaji Abuukar Cadaan

Ciidammada Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa caawa xabsiga Godka Jilacow ka sii daayay Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo saaka Ciidammadu kasoo kaxeysteen gurigiisa kaddib markii Wareysi uu siiyay Radio Kulmiye KNN uu ku sheegay inuu taageersan yahay Mabda’a Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ciidammada ayaa baaris ku sameeyay Xaaji Abuukar oo kamid ah Ganacsatada Muqdisho, waxaana sii deyntiisa gacan ka geystay Masuuliyiin katirsan DFS.