Ciidammada NISA oo xiray Wariye C/llaahi Kulmiye

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xiray Wariye C/llaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye.

Wariye C/llaahi Kulmiye ayaa loo heystaa inuu faafiyay war lid ku ah amniga, kaddib markii wareysi uu ka qaaday Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, sida saraakiisha amniga ay la xiriiriyeen xarigiisa.

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa wareysiga uu siiyay Idaacadda Kulmiye wuxuu ku taageeray mabda’a ay u taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la laayo Ciidamada AMISOM iyo waxa la socda.

Wareysigan oo hordhaciisa laga sii daayay Barta Facebook ee Idaacadda Kulmiye ayaa gebi ahaanba la joojiyay.