VIDEO: Somaliland oo ka hor-timid Heshiiskii DFS iyo QM

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir-guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada Somaliland, kaas oo lagu falanqeynayay Heshiis ay dhowaan Muqdisho ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Qaramada Midoobay James Swan.

Heshiiskan oo la saxiixay 15 bishan October ayaa ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, Somaliland ayaana sheegtay in uusan saameyn doonin heshiiskan, maadama aysan kamid aheyd Soomaaliya.