DFS oo ka hadashay cilada Internet-ka ee ka jirta Koonfurta Soomaaliya

Sii hayaha Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumada Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur ayaa ka hadlay Ciladda Dhinaca Internetka ah ee ka jirta Koonfurta iyi Bartamaha Soomaaliya.

Eng. Cabdi Canshuur ayaa Bartiisa Faceboog ku qoray in Dalka uu soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xalin lahaa Cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Wasiir Eng. Cabdi Canshuur.

Iyada oo laga jawaabayo baaqii dowladda ee ahaa in dalku yeesho xargo badan oo Internetka soo geliya dalka, ayaa waxa aan ugu bishaaraynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in uu shaqo billaabay Khadka Xarrigga Internetka ee DARE1 (Djibouti Africa Regional Express 1) oo noqonaya xariggii labaad ee Internet ee magaaladda Muqdisho ka howlgala.

Xarriggan cusub ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu xoojin fiican u noqon doono xariggii hore ee Internet ee ka shaqeynayey magaalada iyo koonfurta dalkaba. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda waxa ay uga mahadcelinaysaa Shirkadda SOMTEL oo degdeg uga jawaabtey baaqii dowladda ee ahaa helitaanka xarigga labaad ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa dalka soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xallin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020.

Kooxda farsamada ee la socota markabkan ayaa waxa ay howshooda ku soo gebogabeyn doonaan muddo kooban, taas oo aan ka warhayno in ay cirriiri gelin doonto isticmaalka Internet-ka ee xarriggaas mudadaas kooban.