Maxaa ka jira in Gabar laga soo afduubtay Muqdisho lagu qabtay Guriceel ? (VIDEO)

Taliyaha Booliiska Guriceel Dhamme Cusmaan Cali Hudeey oo haatan warbaahinta la hadlay ayaa cadeeyey in Hibo maxamed xassan oo maanta Ciidamada Amnigu ka reebeen gaari ay la socotay aan lasoo afduuban balse iyadu soo aaday xubno ehelkeeda ka tirsan oo Guriceel dagan.

Hibo oo iyadana hadashey waxa ay sheegtay in rabitaan iyada u gaar ah ay kaga soo baxdey muqdisho iyadoon ogeysiin qoyskeeda taasina keentay shakiga ah in la afduubtay.