Xilliga soo magacaabida Guddiga doorashooyinka Qaranka oo maanta ku eg.

Waxaa maanta ku eg Mudada soo magacaabida Guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, oo ahaa in lagu magacaabo muddo 10 cisho gudahood laga bilaabo 10-20 bishan October.

Warqad ka soo baxday labo maalin ka hor Xafiiska Ra’iisul ayaa loo diray Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Hirshabelle iyo Galmudug oo laga codsaday inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya labada Guddi doorasho iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Dib u dhaca ku yimid xilliga lagu soo magacaabi lahaa Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed wuxuu tusaale u yahay in jadwalka doorashada inuu sidaas si la mid ah uu dib u dhac ugu imaan karo, iyadoo bisha November ee soo socota loo asteeyay in qorshaha doorashada in la guda galo, 27 bisha December ay diyaar noqdaan Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senetarada Aqalka Sare.