VIDEO: Madaxweyne Deni oo ka hadlay xaalada Dekedda Boosaaso iyo Heshiiskii DP World

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka hadlayay furitaanka Kalafadhiga 47-aad ee Golaha Wakiiladda Puntland ayaa walaac ka muujiyay fulis la,aanta Heshiiskii Shirkadda DP World ay kula wareegtay Dekedda Boosaaso sanadkii 2017-kii, isagoona sheegay inuu rajo ka qabo guul laga gaaro Wada-hadal dhexmari doona Xukuumadda Puntland iyo Maamulka Shirkadda, kaas oo hakad ugu jira sababo la xariira cudurka COVID-19.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ku guuleysatay kordhinta shaqada ka socota Dekedda, waxaana uu tibaaxay in Badeecadda ka degi jirtay Dekedda oo aheyd 1500 oo tan, hadda la gaarsiisay 2250 tan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay inay dareemayaa walaaca Shacabka ee ku aadan Hormarin la,aanta Dekedda iyo Heshiiskii DP World, waxaana uu ugu baaqay inay ku kalsoonaadaan Dowladooda oo ku howlan sidii xal looga gaari lahaa arrinta Dekedda Boosaaso oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha Puntland.