QoorQoor iyo Wafti uu hoggaaminayo Wakiilka QM oo kulan yeeshay (Sawirro)

Wafdi u hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya James Swan oo ay qeyb ka yihiin Wakiillada Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa gaaray Caasimadda dowlad gobolleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, iyadoona ay Garoonka kusoo dhaweeyeen Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan, iyo Waftigiisa ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoona ka wada-hadlay Arrimaha Doorashooyinka, xoojinta amniga & Iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah.