Madaxweyne Deni oo gaaray Magaalada Dubai & Ujeedada safarkiisa

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa xalay gaaray Magaalada Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu ka socdaalayay Magaalada Addis Ababa oo uu ku sugnaa Labadii maalmood saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Deni ayaa Magaalada Dubai kulamo kula yeelan doona Madaxda sare ee dalkaas, oo ay ka wada-hadlayaan xoojinta xiriirka Puntland iyo Imaaaraadka carabta, gaar ahaan taageerada Imaaraadka carabta uu ka siiyo Puntland, dhinacyada Amniga iyo Hormarka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan inuu la kulmi doono Madaxda Shirkadda DP World, isagoona kala hadli doona dib-u-eegis lagu sameeyo Heshiiskii ay Shirkaddu kula wareegtay Dekedda Boosaaso sanadkii 2017, maadama ay suuroobi weyday fulinta Heshiiskaas.