Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xarunta daraasadda Siyaasadda ee Ahram (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa hadal ka jeediyay xarunta daraasadda Istiraatiijiyadda iyo Siyaasadda ee Al-Ahram.

Hadal-jeedinta Xasan Sheekh ayaa ku saabsaneyd kaalinta Soomaaliya ee siyaasadda fog ee geeska Afrika, iyo sida ay Soomaaliya muhiim ugu tahay gobolka oo dhan, isaga oo isku xiray xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka.

“Taariikhdu waxay na bareysaa sida aysan suurtagal u ahayn in aan helno xasilloonida gobolka innaga oo aan heynin xasilloonida Soomaaliya, sidoo kalena dhammaan fikradaha isdhexgelka iyo iskaashiga geeska Afrikana lama xaqiijin karo iyada oo aan la helin iskaashi siman oo dhex mara dowladaha geeska” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh oo ku dheeraaday muhiimmadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay waddamada geeska ayaa xusay muhiimmadda ay leedahay mideynta dadaallada looga adkaanayo argagixisada, oo aan loo arkin cadow ay Soomaaliya leedahay oo kaliya. Booqshada Xasan ee Qaahira oo laba maalmood ku koobnayd ayaa la filayaa inuu galabta soo gabo gabeeyo isaga oo ku siijeeda dalka Tanzaniya oo ay qoyskiisu deggan yihiin.