Maxaa ka taqaan Maskaxda dibin-daabyada Waxbarashada Soomaaliya ? (Warbixin)

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Fadaraalka Axmed Yuusuf waxuu khatar ku yahay Waxbarashada Dalka.

Agaasimuhu waxuu si gaar ah ubar tilmaameedsaday Puntland iyo Jubaland.

Sida ilo xog ogaal ah ii xaqiijiyeen diidmadii Shahaadada Ardayda Puntland waxaa abaabulay oo kiciyay buuqeeda Agaasimaha oo adeegsanaya awooda Wasiiru-dowlaha.

Sababta Goodax soo galisay markii danbe waa dabeecadiisa qalafsan ee yooyootanka iyo yaan lagaa badinta ku salaysan!!

Wasiiru-dowlaha W.Waxbarshada Jaabiri waxuu kasoo jeeda Puntland,balse waxuu kasoo carooday Garowe oo uu kala kulmay Yasmo ama qadarin la’aan sida uu dad badan kula sheekaystay.

Agaasimuhu waxuu kaloo bahdilaa masuuliyiinta Waxbarashada ee D.Goboleedyada ku xiran Fahad,isagoo tuura kii ka hor yimaada qorshihiisa.

Ujeedkiisa ugu weyn waa fashilinta Waxbarashada Dalka marka la reebo Somaliland oo uu si gaar ah u ilaaliyo uguna sadbursiiyo.

Waa muhiim in shacabka Somaliyed la socdaan dibindaabyada Agaasimaha.

Jibril Qoobey.