Madaafiic lagu garaacay garoonka diyaaradaha Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Hoobiyaal lagu Garaacay Saldhigg ciidamada Militariga Itoopiya ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamul Gobaleedka Koofur Galbeed.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Saxaafadda in ilaa 15 Hoobiye lagu garaacay Garoonka oo Saldhigg ciidan ay ku leeyihiin Ciidmada Itoopiya ee ka howlgala Gobalkaasi.

Majirto ilaa hada cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Weerarkaasi Duqeymaha ahaa ee lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo.