VIDEO: Barakac ka dhashay Roobab xooggan oo ka da’ay Muqdisho

Roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay saacado badan Magaalada Muqdisho ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay qoysas danyar ah oo ku nool degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyada oo dadka qaar ay ka barakaceen Roobka.

Biyo badan oo ka dhashay Roobka ayaa Gudaha u galay guryo ay dagnaayeen qoysas danyar ah, kuwaas oo isaga barakacay si saameyn kale uusan ugu yeelan, waxaana sidoo kale uu Roobka xiray wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho.

Guddoomiye kuxigeenka howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Eng Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in dadka Muqdisho uu saameyn ballaaran ku yeeshay roobkii xalay dhowrka saacadood ka da’ayay Magaalada Muqdisho.