Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Xeer muhiim ah (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta ku yeeshay Magaalada Garoowe kulankoodii 8-aad ee Kal-fadhigga 47-aad ee Golaha, kaas oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Kulanka oo ay soo xaadireen 44 Mudane, ayaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ku ansixiyeen Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland, kaas oo ay ogalaadeen 39 Mudane, halka 1 Mudane diiday, 4 mudanana ka aamuseen.

Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland oo Golaha Wakiillada Puntland ay u soo gudbisay Xukumadda, gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqanka-celinta Dowladda Puntland ayaa ka kooban 37 Qodob, waxa ayna ujeeddadiisu tahay tayeynta & kor u qaadista Qur’aanka Kariimka iyo barayaasha dhigaya, sidoo kalena dhiirigelinaya ku dhaqanka Diinta Islaamka, Caqiidada toosan iyo Anshaxa wanaagsan.

Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland ayaa kaalin wanaagsan ka qaadanaya ilaalinta xuquuqda Dugsiyada Puntland.