Puntland oo deeq Waxbarasho oo Umulisonimo ah siisay 25 Gabdhood (Sawirro)

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo kaashanaysa Hay’adda UNFPA ayaa machadka Xaaji Cabdi ka daah-furtay deeq Waxbarasho oo Umulisonimo ah oo la siiyay 25 Gabdhood.

Madaxa UNFPA Puntland Baxsan Hassan oo hadal ka jeedisay daahfurka ayaa gabdhaha deeqdaan heshay xustay inay imtixaan aygaleen ay ku soo guulaysteen lagaana doonayo inay ka faa’iidaytaan, marka ay dhamaystaana ay aqoon ku soo kordhiyaan si aan ubadbaadino hooyada umulaysa ayna uhesho xirfadle caafimaad oo aqoon wanagsan leh.

Agaasimaha waxda qorshaynta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Maxamed Maxamuud, oo ka qaybgalay munaasadlbada daahfurkan ayaa mahadceliyay hay’adda UNFPA sida wangsan ee ay uwada shaqeeyaan, waxaana uu ardayda deeqdaan nasiibka uhelay aad uga faa’iidaystaan sida ugu wangsan.

Agaasimaha ayaa xusay in ka wasaaradd ahaan ay ka go’antahay horumarinta aqoonta xirfadlayaasha caafimaadka mustaqbalkana la rajaynayo in la helo xirfadlayaan caafimaad oo sida ugu wangsan ugu adeega.