Gen. Xijaar oo shahaado sharaf guddoonsiiyey Taliyaha Q/Booliska Bari (VIDEO)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo shahaado sharaf gudoonsiiyay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, kadib markii uu ku guleestay sugida amniga Gobalka Bari, isagoona uga mahadceliyay dadalkiisa ku aadan wada shaqeynta Booliska iyo bulshada Gobalka Bari.

S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ugu baaqay bulshada in ay la shaqeeyaan lamaha amaanka Gobalka Bari.