Maxaa looga hadlay Shirka Amniga Gobalka Bari ? (Sawirro)

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka, iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo shir guddoomiyay Shirka Guddiga amniga Gobolka Bari,

Shirka ayaa looga hadlay dardargalinta amniga iyo u diyaar garawga doorashada Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee Boosaaso ay tahay magaalada 2-aad ee ay ka dhici doonto doorashadu.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro ay mid yihiin Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Dekadaha, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Wasiir Kuxigeenka Dekedaha iyo Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda.