Axmed Karaash oo kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Dowladda (VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah Xarumaha Hay’addaha Dowladda sida Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Caafimaadka iyo xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadda ee DFS laanta Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta xarumahaasi, wuxuuna booqday qeybaha kala duwan ee xafiisyada iyo sida shaqadu u socoto, isagoo ku booriyay Masuuliyiinta in lasii dardargeliyo shaqooyinka iyo adeega dowladdnimo ee loo hayo dadweynaha.