Abiy Ahmed oo Madaxweyne KMG ah u magacaabay Tigreega

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa Madaxweyne KMG ah u magacaabay Ismaamulka Tigreega ee woqooyiga dalkaas.

Madaxweynaha cusub oo lagu magacaabo, Dr. Mulu Nega, ayaa soo dhisaya xukuumad ku-meel gaadh ah. taas oo aan la ogeyn halka ay ku shaqeyn doonto.

Baarlamanka Itoobiya ayaa dhawaan qaraar ku kala diray Ismaamulka Tigreega; markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya iyaga iyo xukuumadda Abiy Axmed.

Xildhibaanada ka tirsan Aqalka golaha wakiilada ee Itoobiya ayaa ansixiyay in xasaanadda lagala noqdo 39 saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Tigray kaddib codsi kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Waxaana kamid aha madaxdan xasaanadda laga qaaday madaxweynaha Tigray, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan TPLF.