Taliyaha Sirdoonka Talyaaniga oo Muqdisho yimid

Taliyaha Siradoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Qoraalka NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay in Gen. Giovanni Caravelli, uu la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, iyagoona ka wadahadlay sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac.