DFS oo tirtirtay qoraal ay uga hadlaysay dagaalka Itoobiya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka saartay barteeda Twitter-ka qoraal ku saabsan walaac dowladda Soomaaliya ee dagaalka Itoobiya, ayn taageereyso midnimada dalka Itoobiya iyo in wada hadal saaxibtinimo leh lagu xaliyo dagaalka gudaha ee Itoobiya.

Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku caddeeyay in uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isla markaana war saxaafadeedka aanu aheyn mid matalaya aragtida dowladda Federaalka.

Barta Twitterka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Barta Twitter-ka ee Wasiirka Arrimaha Dibedda.