Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha oo Shir uga furmayo Muqdisho

Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha ahna Hoggaamiyeyaasha Mucaaraadka ah ayaa maanta lagu waddaa in uu Muqdisho uga furmo Shir ku saabsan Arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale dooda ay ka qabaan guddiga doorashooyinka dadban oo in badan oo ka mid ah ay kasoo horjeesteen.

Shirkan ayaa socon doona Saddex berri waxaa ka mid ah qodobada looga hadlaayo sidii loo heli lahaa guddi dhexdhexaad ah, maadaama guddiga hadda jira lagu eedeeyay in ay yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA.

Hoggaamiyeyaasha Shirkaan ka qeyb gali doonna waxaa ka mid ah:

Labadii  Madaxweyne ee hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed

Labadii Madaxweyne ee hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Hoggaamiyaha xisbiga Ileys Cabdulqaadir Cosoble.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hoggaamiyaha xisbiga Danqaran Daahir Maxamuud Geelle.

Inta badan hoggaamiyeyaasha Mucaaraadka ah ayaa shalay dib ugu soo laabtay dalka, waxaana ay sheegeen in hanaan qaldan ay ku socoto doorashooyinka Soomaaliya.