Guddoomiye Sanyare oo baaq u diray ganacsatada iyo sariflayaasha Puntland (VIDEO)

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay Sicir-bararka, isagoona baaq u diray Ganacsatada iyo Sariflayaasha lacagta.

Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay in Ganacsatada iyo Sariflayaasha Reer Puntland looga baahan yahay in u naxaan bulshadooda, kana qeyb noqdaan qorshaha Dowladda Puntland ee ku aadan ka hortaga Sicir bararka Suuqyada Puntland hareeyay.