Shariif Xasan “Doorasho Hal Wareeg waa diidanahay” (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah Musharaxiinta maalintii Afraad shirka uga socda Hoteelka Jasiira ee Muqdisho ayaa ka hadlay sida ay uga walaacsan yihiin in doorashada soo socoto uu hareeyo Musuq maasuq.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si cad u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay bidhaamisay in doorashada dhexe ee dalka ay noqon doonto mid wareegga koowaad lagula kala baxo, taasina ay muujinayso sidda loo doonaayo in ay noqoto mid musuq hareeyay.