Shariif Sheekh Axmed oo ku wajahan Baydhabo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Hoggaamiyaha Midowga Musharixiinta Doorashada 2020 – 2021 Sharif Sheikh Ahmed, ayaa ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmi doona Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen, Isimada dhaqanka iyo Waxgaradka deegaanada Koonfur Galbeed, isagoona kala hadli doona Arrimaha Doorashooyinka.

Safarka Shariif Sheekh Axmed ee Magaalada Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli maanta uu Baydhabo ka dhoofay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugnaa maalmihii u dambeeyay, kana waday kulamo Siyaasadeed.