Abiy Ahmed oo ku dhawaaqay duulaankii ugu dambeeyay ee ka dhan ah TPLF

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya Abiy Ahmed Ali, oo War-saxaafadeed soo saaray goor-dhaweyd ayaa sheegay in uu bilaaban doono ‘duulaankii ugu dambeeyay’ ee ay ku qabsanayaan Caasimada Ismaamulka Tigray ee Mekella.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in hogaanka TPLF ay ka faa’iideysan waayeen fursadii ay hubka ku dhigi lahaayeen oo ah 72-dii saac ee lasoo dhaafay.

Dagaalka Itoobiya ee u dhexeeya Ciidanka Abiy Ahmed iyo Ismaamulka Tigreega ayaa socda ku dhowaad hal bil, waxaana Warbaahinta gudaha laga soo xugtay inuu dagaalkan galaaftay nolasha 15 Kun oo Askari, halka ay ku qaxeen in ka badan 60 Kun oo Qoys.