Baarlamaanka Puntland oo ka doodaya heshiiskii DP World ee Dekedda Boosaaso (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulan ku yeeshay maanta xaruntooda magaalada Garoowe ayaa u codeeyay soo hormarinta ka doodista heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) ee Dekadda magaalada Boosaaso.

Kulanka Xildhibaanada oo Shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa dood adag ay ka yeesheen in la soo hormariyo qodobkan oo Ajandaha Golaha uga jiray qodobka 13-aad,
iyadoona ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Xildhibaan, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 4 Mudane.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo kulanka  soo xiray ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaannadu ay dood ka yeelanayaan Dib-u-eegista heshiiska Puntland iyo DP World maalinta sabti ah ee soo socot, oo Taariikhdu tahay November 28, 2020.